KA CODSO BALLAN ILAP

Baro sida ballan looga codsado ILAP iyo noocyada kiisaska socdaalka ee ay ILAP kaa caawin karto.


SIDEE AYAAN UGA CODSAN KARAA BALLAN ILAP?

Wac (207) 780-1593, taabo 0, dabadeed 0 mar kale taabo, oo ka tag fariin cod ah.

Fadlan ku dar magacaaga oo buuxa, macluumaadka xiriirka, iyo sharaxaad kooban oo ku saabsan dhibaatadaada sharci.

Fadlan ogow: ILAP waxay rabta inay ku xidhanto magangalyo doonayaal badan oo kusagan Maine oo haysta taageero sharci intii suurtagal ah. Waxaan nahay urur yar oo hela codsiyo badan oo cusub usbuuc kasta oo aan awoodin inay caawiyaan qof walba. Qaadashada ballamaha iyo noocyada kiisaska aanu aqbalno way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xidhantahay isbeddellada sharciga iyo xeerarka socdaalka, culayska jira ee shaqada ee shaqaalahayaga sharciga, iyo tirada dadka codsanaya caawimada.

Waxaan bilaabi doonaa jadwalka ballamaha bilowga bil kasta waxaanan sii wadi doonaa aqbalka codsiyada bil kasta ilaa ballamadayada la buuxiyo bisha.

Waxaad hoos ka heli kartaa xiriirinta ilaha sharciga ah ee waxtarka leh.

Waad ku mahadsan tahay dulqaadkaaga iyo fahamkaaga!


Goorma ayaan la kulmi karaa ILAP si aan jawaabaha u helo su'aalaha socdaalka degdega ah?

Kaalay xafiiska ILAP ee Portland Khamiista May 23 inta u dhaxaysa 10:00-12:00PM, 489 Congress Street Dabaqa 3aad, Portland, ME 04101

AMA

Kaalay kula kulan ILAP ee Lewiston Adult Education Khamiista May 16 inta u dhaxaysa 1:00-2:30PM, 145 Birch Street, Lewiston, ME 04240 (dhinaca bidix ee dhismaha)


Miyaan u qalmaa adeegyada ILAP?

ILAP waxay kaliya caawisaa su'aalaha sharciga socdaalka. Adeegyadayadu waa bilaash ama way qiimo jabanyihiin. Waxaan u adeegnaa dadka deggan Maine ee dakhligoodu yar yahay oo keliya kuwaas oo aan awoodin inay qabsadaan qareen. Waxaa lagu weydiin doonaa dakhliga qoyskaaga si aad ballan u codsato.

Haddii aad raadinayso caawimaada socdaalka, laakiin aad aaminsan tahay in aad ka sarayso hab-raacyada dakhliga, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa halkan info@ilapmaine.org ama naga soo wac 207-780-1593 waxaanan ku siin karnaa liiska gudbinta ee qareenada socdaalka gaarka ah ee Maine.

ILAP waxay awood u leedahay oo kaliya inay u adeegto dadka ku nool Maine. Haddii aad ku nooshahay gobol kale, fadlan nagu soo booqo bartayada bogga  La xidhiidh ururada kale si aad u heshid adeegyada aaggaaga.


Waa maxay noocyada kiisaska socdaalka ah ee ay wax ka caawin karto ILAP?

ILAP waxa ay hadda aqbalaysaa codsiyada ballamaha ee noocya kamid ah kiisaska socdaalka ee muhaajiriinta ku nool Maine oo aan awoodin in ay qabsadaan qareen. Waxaa laga yaabaa inaan ku caawin karno haddii:

DHALINYARADA KA YAR 21 EE KU NOOL U.S.

  • Waxaad ka yar tahay 21 jir MANA haysatid labadaada waalid oo kugu taageeraya halkan U.S.

DHIBANAYAASHA/KA BADBAADAYAASHA RABSHADAHA

  • Ma haysatid sharci socdaal oo joogto ah IYO inaad la kulmayso ama aad ka badbaaday rabshad qoys, ka ganacsiga dadka ama dembi kale oo halis ah oo ka dhacay U.S.

  • Waxaad la kulmeysaa ama aad ka badbaaday rabshad qoys oo uu kugu samaynayo muwaadin Mareykan ah ama lamaanahaaga oo haysta kaadhka cagaaran, waalidkaa ama cunugaada

MAXKAMADDA SOO GALOOTIGA

  • Waxaad u baahan tahay inaad dib u furto kiiskaaga Maxkamadda Soo galootiga

  • Waxaad u baahan tahay inaad kiiskaaga u wareejiso Maxkamadda Soo galootiga ee Lowell

  • Kiis ayaad ku leedahay maxkamada socdaalka WAXAADNA aaminsantahay inaad u qalanto joojin ka saaris ama Nicaraguan Adjustment and Central American Relief Act (NACARA)

  • Intaa waxaa dheer, ILAP waxaa laga yaabaa inay awoodo inay u samayso tiro xaddidan oo la-talin ah magangelyo-doonayaasha ee kiisaska ka yaalaan Maxkamadda Socdaalka. Si loo go'aamiyo haddii aan ku caawin karno, shaqaalaha ILAP waxay u baahan doonaan inay ku weydiiyaan su'aalo ku saabsan wakhtiga kama dambaysta ah ee xereyntaada iyo taariikhaha dhegeysiga ee soo socda

OGOLAANSHAHA SHAQADA

  • Waxaad ku jirtaa Amarka Kormeerka WAXAADNA u baahan tahay inaad codsato ama cusbooneysiiso ogolaansho shaqo

  • Waxaa lagu siiyay Haysashada ka saarista waxaadna u baahan tahay inaad codsato ama cusbooneysiiso ogolaansho shaqo

  • Waxaad leedahay DACA ama TPS WAXAADNA u baahan tahay inaad codsato si aad u cusboonaysiiso ogolaanshahaaga inaad shaqaysan karto

  • You are in the U.S. as a parolee from one of these countries:

    • Ukraine

    • Venezuela

    • Kuuba

    • Haiti

    • Nicaragua

Guji halkan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ogolaanshaha inuu shaqaysan karo qofka magangalyada la siiyay.

KAARARKA CAGAARAN (DEGANAANSHO RASMI AH)

  • Waxaad haysatay fiisaha U ama T muddo saddex sano ah WAXAADNA rabtaa inaad codsato kaarka cagaaran

  • Waxaad tahay qaxooti WAXAADNA doonaysaa inaad codsato kaarka cagaaran ka dib markaad ku noolayd Maraykanka hal sano ama ka badan

  • Waxaa lagu siiyay magangelyo ugu yaraan hal sano ka hor WAXAADNA dooneysaa inaad codsato kaarka cagaaran

  • Waxaad u baahan tahay inaad cusboonaysiiso ama beddesho kaarka cagaaran kaaga

  • Waxaad haysataa Green Card 2-sano ah waxaadna u baahan tahay inaad codsato inaad iska saarto shuruudaha si aad u hesho kaarka cagaaran ee 10-ka sano ah WAXAANA kugu xadgudbay ama ku furay lamaanahaaga

CODSI U SAMAYNTA QOYSKA

  • Waxaa dhawaan lagu siiyay magangalyo WAXAADNA rabtaa in aad codsi u samayso lamaanahaaga ama ilma ka yar da'da 21 si ay kuugu soo biiraan U.S.

  • Waxaad dhawaan ku soo gashay qaxoonti ahaan WAXAADNA rabtaa inaad codsi u samayso lamaanahaaga ama ilma ka yar da'da 21 si ay kugu soo biiraan U.S.

  • Xaaskaaga ama ilmahaaga ka yar 21 sano ayaa ka yimid mid ka mid ah wadamadan waxaadna rabtaa inaad ka codsato inay kugula soo biiraan Mareekanka:

    • Ukraine

    • Venezuela

    • Kuuba

    • Haiti

    • Nicaragua

SHARCIGA U DHALASHADA U.S.

  • Waxaad u baahan tahay inaad codsato Shahaadada Dhalashada sababtoo ah waxaad ku noqotay wadani waalidkaada

MAGANGALYO

  • Waxaad doonaysaa inaad codsato magangelyo MANA joogtid maxkamada soo galootiga wakhtigaaga kama dambaysta ahaana ee halka sano ee xaraynta waxaa kaaga haray 5-12 bilood laga bilaabo hadda

  • Intaa waxaa dheer, ILAP waxaa laga yaabaa inay awoodo inay u qabato tiro xaddidan oo la-talin ah magangelyo-doonayaasha ee kiisaska ka yaalaan Maxkamadda Soo galootiga. Si loo go'aamiyo haddii aan ku caawin karno, shaqaalaha ILAP waxay u baahan doonaan inay ku weydiiyaan su'aalo ku saabsan wakhtiga kama dambaysta ah ee xereyntaada kiiska iyo taariikhahaaga dhegeysiga ee soo socda

MARXALADA ILAALINTA KUMEEL GAARKA AH (TPS)

TALLAABADA DIB U DHIGISTA EE IMAANSHAHA CARRUURTA (DACA)

  • Waxaad u baahan tahay inaad codsato ama dib u cusboonaysiiso codsigaaga DACA Codsiga (Tallaabada Dib u Dhigista ee Imaanshaha Carruurta)

WAX KALE

  • Kuma lihid sharci joogto ah gudaha U.S. waxaadna jeclaan lahayd inaad ogaato haddii aad haysato wax fursad ah inaad sii joogto Maraykanka si joogta ah

  • Waxaad heshay codsi ah inaad bixiso caddayn dheeraad ah oo ku saabsan kiis ay ILAP kaa caawisay WALINA waxaad haysataa ugu yaraan 30 maalmood oo aad kaga jawaabto

  • Waxaad doonaysaa inaad fahanto cawaaqibka taariikhda dembiyadaada ee xaaladdaada socdaalka

Xitaa haddii su'aashaada sharci ay kor ku xusantahay, waxaa laga yaabaa inaanan awoodin inaan ku caawino.


Ka warran hadii aanan ku hadlin Ingiriisiga?

ILAP waxay siinaysaa turjubaan dhamaan wicitaanada telefoonada ama khadka tooska ah (bogga Skype si aad u hesho adeegyada agagaarkaaga., ZoomkaWhatsapp iwm.) Haddii aadan ku hadlin Ingiriisi, Faransiis, Boortaqiis, Lingala ama Isbaanish waxaad naga soo wici kartaa si aad ballan u qabsato 207-780-1593, taabo 0, dabadeed 0 mar kale taabo, ka dib fariin noo dhaaf luqadaada iyo lambarkaaga teleefanka waxaanu ku soo celin doonaa wacitaankaaga ayadoo turjumaan nala joogo. Waxaad sidoo kale noogu soo diri kartaa iimayl ahaan info@ilapmaine.org.


Waa maxay adeegyada ay bixiso ILAP?

Haddii aad u qalanto adeegyada ILAP oo aad dhammaystirto ballan qaadashada, shaqaalaha sharciga ah ama tabaruceyaasha ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay:

  • Kula kulmaan si ay uga jawaabaan su'aalaha oo ay ku siiyaan talo ku saabsan sharciyada socdaalka ee Maraykanka iyo heerkaaga socdaalka.

  • Kaaga caawinayaan buuxinta foomamka socdaalka iyo codsiyada, oo ay ku siiyaan talo ku saabsan sida loo ururiyo dukumeentiyada aad u baahan doonto inaad la dirto foomamkan.

  • Xaaladaha qaar, ay kugu matalaan xafiiska socdaalka ama maxkamada socdaalka.

Awooddeena oo xaddidan awgeed, ILAP ma caawin karto fiisaha ay kafaala-qaadaan loo-shaqeeyayaasha ama fiisaha loo soo qaato si wax looga barto gudaha Mareykanka. Sidoo kale kama caawin karno kiisaska aan ahayn sharciga socdaalka; fadlan booqo bogga La xidhiidh ururada kale si aad u hesho adeegyada kale ee sharciga ee Maine.

Dhammaan adeegyada ILAP waa ballan kaliya.


SIDEEN NAFTAYDA UGA ILAALIN KARAA KHIYAANADA SOCDAALKA?

Taxadar muuji markaad caawinaad u helayso kiiskaaga socdaalka! Iska jir dadka ku nool Maine ee isku daya inay ku khiyaaneeyaan iyagoo iska dhigaya inay kaa caawinayaan kiisaska socdaalka. Dadkani waxay xadi karaan lacagtaada waxayna dhaawici karaan kiiskaaga socdaalka.

Sida ugu wanaagsan ee aad naftaada u ilaalin karto waa adiga oo ka war haya waxa ay dadkani samaynayaan oo aadna ka taxadarto cidda aad u ogolaato inay kaa caawiso kiiskaaga socdaalka.



NAGA CAAWI INAAN HORUMARINO!